Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad; “Isbitaallada Medina iyo Digfeer kaliya waxaa yaalla meydadka 230 qof…”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay inuu ka mid ahaa xildhibaanno maanta booqday isbitaallada Muqdisho, wuxuuna sheegya in meydadka gaarayaan 230 qof.

“Saakay waxaan tagnay hospitaalada Madiina iyo Digfeer, aniga iyo Xildhibaano katirsan labada Gole ee Barlamaanka. Meydadka la geeyay labadaas hospitaal waa 230 qofood waxaana ilaa hada yaala oo meydadkooda la garan waayay 130 kamid ah oo dhamaantood inta wada gubteen muuqaalkoodii doorsoomay!..” ayuu yiri xildhibaanka oo intaas ku daray inay jiraan isbitaallo kale oo dhimasho iyo dhaawac la geeyay.

“Dhaawaca ilaa shalay la geeyay labadaas hospitaal waxay ahaayeen 278 qofood. Waxaana ilaa hadda yaalla oo aan la bixin 136 qofood oo 30 kamid ah garaab yihiin!. Waxaa jira hospitaalo kale oo iyagana dhimasho iyo dhaawac la geeyay tiradoodana ilaa hada aan la ogayn!.. ayuu yiri xildhibaann Mahad Salaad.

Wuxuu ku tilmaamay qarixii shalay dhacay aaanu ahayn wax qof bini aadam ah suurayn karo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON