Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Lama aqbali karo in Dumarka jidadka ku umulaan, Baabuur qarxeysana ay wadooyinka maraan..”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si kulul uga hadlay weerarkii maanta ay Alshabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto ee Wasaaradaha Amniga & Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xildhibaankaoo marka hore tacsi u direy shacabka, shaqaalaha dowlada iyo ciidamada amniga ee dhibaatadu kasoo gaartay qaraxyadii maanta ee magaalada Mogadishu ayaa dhinaca kale ug baaqay madaxda dowlada in ay ka waantoobaan ku mashquulidda iyo dabo oradka aragtiyada iyo dhaliilaha dadka siyaasiinta ah ay ka qabaan hab dhaqanka siyaasadeed ee hooseeya ee dalka lagu maamulayo, sida uu yiri.

Wuxuu kaloo madaxda dowladda ugu baaqay inay dulqaad u yeeshaan dhaliilaha loo jeedinayo iyo isla-xisaabtanka ka dhaxeeya hay’ada fulinta iyo goleyaasha Barlamaanka, wuxuuna kula taliyey in loo soo jeesto sidii dalkaan amnigiisa looga wada shaqeyn lahaa, loona abuuri lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo hay’adaha amniga.

“Si loo yareeyo dhibaatooyinka dadka shacabka ah kala kulmayaan ciidamada amniga. Sababtoo ah ma ahan wax la aqbali karo in dumarkiina wadooyinka inta laga xirto jidadka ku umulaan, baabuur qarxeysa iyo ciidamo hubeysana ay wadooyinka si raaxo leh ku maraan, weerarona ka fuliyaan meeshii ay doonaan..!!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON