Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku hanjabay inuu soo bandhigi doono xog cusub oo ku saabsan dadkii lagu laayay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay tiro cusub oo ah dadka ku dhintay qarixii Soope, isagoo sheegay inay ka badan tahay 600 qof, wuxuuna intas ku daray inuu dhowaan dadka la wadaagi doono tirada dhimashada, dhaawaca, kuwa la’yahay iyo kuwa iyaga oo aan la aqoonsan la duugay.
“Xasuuqii Zoope xogta aan ka heyno waxay sheegaysaa dhimashadu inay ka badan tahay 600 qof. Xukuumada waxaan ka codsanaynaa inay shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii dadkooda la xasuuqay la wadaagto baaristii la sameeyay wixii kasoo baxay iyo tirada rasmiga ah ee dhimashada inta ay tahay…” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo dalab u diray xukuumadda Soomaaliya.
Goobjooge