Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibannada Baarlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay talo dhexdhexaad ah u soo jeediyey madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo khilaafkoodu meel xun gaaray.
Qoraal uu faafiyey ayuu ku dhaliilay go’aanadii kasoo baxay shirkii maamul Goboleedyada ee magaalada Garowe, wuxuuna dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dalka iyo dadka ka badbaadiyo bohosha ay ku socdaan sida uu yiri,
HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN MAHAD SALAAD
1. Madaxweyne Maamul Goboleed.
2. Madaxweyne Madaxweyneyaal Maamul Goboleed.
3. Maamul iyo ciidan ka madax banaan midka Dowlada Dhaxe.
4. Xisbi siyaasadeed oo dagaal siyaasadeed lagu dhisay. Dadna la iskaga celinayo.
5. Shirweyne kulminaya mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada.
Ciyaartaan si jaanta iyo jiibta la iskula helo waxaa ka dhiman ayaan filayaa Barlamaan, Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad ka madax banaan mida Dowlada Dhaxe ee tolow iyaduna ma shirka Dhuusamareeb ayay ka dhalan doonaan?!
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin keligii garramay iyo nin dhul gannay midna ma gefo” saaxiibadey madaxda Dowlad Goboleedyada waxaan dhihi lahaa keligiin ayaad garanteen waxa meesha yaalana waa HARAG SAGAARO. Harag sagaarana iiga kac ma ahee iiga durug ma leh ee xaalka hala dajiyo sidaan Soomaali ayaa kusii kala tagaysee!
Madaxweyne Farmaajo waxaan leeyahay Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “Waxa jira sadex abaar. Abaar geel, abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko la’aan, abaar dumarna waa ubad la’aan, abaar ragna waa arin la’aan”.
Duqiyow taladii dalkaan iyo dadkaan looga ariminayay ma haysid amaba waa kaa qaloocantahay ee isdabo qabo. Dalka iyo dadkana bohosha ay ku socdaan ka badbaadi. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oronaysa “Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan”. Duqiyow xisaabtu dhankaaga ayay ka xirmi la’dahay ee fadhigaan fadhi kale ku badal!
Soomaalida kale ee durbaanka ka daba tumaya labada dhinac sax iyo qaladba waxaan dhihi lahaa yaanan noqonin ninkii isku helliyay NIRIGTII dibno la’aanta ahayd iyo hashii naaso la’aanta ahayd ee yiri: “maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa” ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed aan u turno, kana shaqeyno in loo kala dab qaado odoyaashaan biyaha hoostooda iska haraatinaya.
Ilaahey waxaan ka baryeynaa in uu na haleeshiiyo towfiiqda iyo talada tii toosan. Aamiin.
Hon. Mahad Salad