Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey muuqaal uu soo duubay Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo qoraal uu hore isagu u qoray isna ka jawaabay.
Xildhibaanka ayaa jawaab culus ka bixiyey muuqaalladii uu maanta baraha bulshada soo dhigay oo uu sheegay inay jawaab u ahaayeen qoraal uu isagu hore u qoray, wuxuuna Wadaadka kula taliyey in haddii uu diin wado uu tago masaajidyada iyo goobaha kale ee diinta lagu faafiyo.
Akhriso: Qoraalkii hore ee Xildhibaan Mahad Salaad
Akhriso: Jawaabtii Sheekh Kenyaawi
HOOS KA AKHRISO JAWAABTA MAHAD SALAAD
OOHINTA WADAADKA, MA MIDII YAXAASKA OO KALE BAA (CROCODILE TEARS)?!
AADANAHU WAXA UU OOYAA marka dareenkiisa ay xaalad farxadeed ama murogo lasoo gudboonaato. LKN WAXAA JIRTA OOHIN KALE oo la yiraahdo OOHINTA YAXAASKA. Waa oraah caan ah oo loo adeegsado dadka oohin beenaadka sameeya. Waa meesha Soomaalidu ka dhahdo “HASHU GEELA IYADAA CUNTA IYADAANA CABAADA”!
Yaxaaska waxa kaliya oo uu ilmeeyaa marka uu raq cunayo ee uu boganayo dheregtiisa. Oraahdaan ayaa igu soo dhacay markaan baraha bulshada ku arkay wadaad illinta iska tiraya, sida hadalkiisa ka muuqatayna ka jawaabayay qoraal maalintii Isniinta aan bogeyga facebookga kusoo qoray. Lkn waxaa nasiib wanaag ah warka uu beeninayo iyo midka uu ku hadlayo in ay isku mid yihiin!
Wuxuu leeyahay: Siyaasiin ima keenin, umana ololaynayo. Hadana wuxuu leeyahay waxaan uga mahadcelinayaa in ay ii qabteen HOOLKA SHIRARKA SAHAL iyo GAROONKA KUBADA CAGTA EE STADIUM KOONIS isagoo hay’adihii fulinta iyo kuwii Gobolka mid mid u tirinaya!
Sheekhow horta aan ku saxee anigu colna kulama ihi, cuqdadna kuuma qabo lkn waxaan kaaga turayaa cilmiga aad xanbaarsantahay in siyaasada qalafsan ee Soomaaliya ka jirta ay kaa wasakheyso.
Sidoo kale Hoolka Sahal iyo Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Koonis waxaa lagu qabtaa shirarka siyaasadeed iyo xafladaha Nabad iyo Nolol marka haddii aad rabto dadka in aad wacdiso waan kugu taageerayaa ee tag Masaajidyada iyo barxadaha waaweyn ee magaalada ku yaalla sida: Abuu Hureyra (Bakaaraha), Al-Hidaaya (Huriwaa), Isbahaysiga, Marwaas iyo CEELASHA BIYAHA, halkaas ayaa boqolaal kun Soomaali ah oo aan lasoo aruurin, diintana jecel kuugu imaanayaane inshaa’allaah.
Hadii aad rabto siyaasada in aad dhex boodana oo cid gooni ah aan lagugu tirina u tag dhammaan qaybaha ku kala ra’yiga duwan siyaasadda ee magaalada kula jooga. Noqona wadaad dhexdhexaad ah oo siyaasiin gooni ah aan garabka ku sidan.
Qorax soo baxday sacabo laguma qarin karo. Lkn hadii warkeygu ku dhibay Sheekhow ka raali noqo.
Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad