Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, kana tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda hadda xilka heysa ku eedeeyay inay caburin ku heyso dadka, isla markaana dhibaatooyin ka abuurtay xiriirkii maamul Goboleedyada, iyadoo aysan wada shaqeyn labadii aqal ee Baarlamaanka.
Isagoo ka hadlayay munaasabad xisbigiisa UDP soo qabanqaabiyey ayuu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in dowladda hadda jirta ku xadgudubtay aragtida dadka iyo xisbiyadda mucaaradka, wuxuuna soo qaatay wixii ka dhacay doorashadii Baydhaba iyo xiriirka xumaaday ee dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya kula taliyey inay wax ka bedelaan qaabka ay ku socdaan, ayna tixgeliyaan rabitaanka shacabka gaar ahaan kuwooda danyarta ah.
DHAGEYSO