Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa ku biiray dagaalka ka socda baraha bulshada ee ku saabsan hadallo qalafsan oo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ku sheegay wareysi lala yeeshay.
Xildhibaan Fiqi ayaa madaxweyne Farmaajo ugu hanjbay in dowladii dhexe ee Soomaaliya ay dumiyeen dadka Gobollada Dhexe, waxayan farriintaasi noqotay mid dad badan ay ka dhadhamiyeen qabyaalad, taasoo keentay jawaabo kulul oo loo diro xildhibaanka.
Jawaabtii ugu dambeysay waxay ka timid Xildhibaan Fiqi oo inkastoo uu ka horjeedo qaabka ay ku socoto dowladda Farmaajo, haddana wuxuu u sheegay Xildhibaan Fiqi inaan loo hanjabi karin.

HOOS KA AKRISO FARRIINT XIDDIG
Asc, Dhamaantiin xili kasta iyo meel kasta oo aad kala joogtaan.Qoraalkani wuxu ku socdaa Saxibkay xildhiban Ahmed Moalin Fiqi.
Waxan dhageystay Waraysi aad bixisay oo fasiraado kala duwan laga bixiyay, balse inta badan bulshadu u fasirtay hanjabaad ku socota Madaxweyne Farmajo iyo Faan ahaa in Beeshaadu dumisay Dowladi kacaanka.
Hadiiba shacabka soomaaliyeed Iska ilaaway ciddii masuulka ka ahayd Dagaalkii sokeeye looma baahna in Dadka somaliyeed la xususiyo xiligii adkaa ee lasoo maray iyo cidii masuulka ka ahayd mana jirto cid mahadisay oo ka faaiiday.
Arinta Galmudug iyo Guud ahaan Dowlad Goboleedyada waa Danbi Qaran hadii leysku dayo in la burburiyo ama la khalkhaliyo dhamaanteena waxan u taaganahay ilaalintooda iyo kobcintooda.Anigu markaan Qiimeeyay xaalada hada jirta iyo mushkiladaha midiba mida kale kasii daran tahay ee mudo kooban Taliska Madaxweyne Farmajo soo foodsaaray waxaa ka muuqda waayo aragnimo la,aan iyo talo xumo aan filayo inay sabab u yihin Shakhsiyaad aad ugu dhaw madaxweynaha oo isaga ruuxiisa fashilinaya Xaalad kastana ka dhigaya DAB BAASIIN KU DAMI.
Ugu danbayn Madaxweyne Farmaajo wuxu si fool xun u dhex dabaalanayaa mowjado midiba mida kale kasii adag tahay waxaanse saxibkay Fiqi u sheegayaa Farmaajo waa la dhaliili karaa lakiin looma hanjabi karo,
sidaas darteed waxaan kuu soo jeedinayaa inaad fasirad ka bixiyo ujeedada hadalkaga . Hadad ula jeedo sida loo fasirtayna aad raali gelin degdeg ah ka bixiyo.
Waana in laga wada shaqeeyo midaynta shacabka iyo dayactirka dhismayasha uu wali ka muuqdo burburku.
Higsiga mustaqbalka iyo midaynta Shacabka Soomaaliyeed meelkastoo uu joogo waa muqadas.
Hon. Abdirashid Xidig, Kismaayo. Jubaland.