Friday, July 18, 2025

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Su’aalo adag maanta weydiiyay Wasiirka Maaliyadda [Akhriso]

Kulankii labaad ee kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho iyadoo su’aalo adag lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka oo maanta ku furmay 162 xildhibaan oo xaadir ku ahaa fadhiga ayaa waxaa looga doodayaa miisaaniyadda Baarlamaanka, waxaana Baarlamaanka hor tegay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle.

Su’aaha adag ee la weydiiyay Wasiirka Maaliyadda waxaa ka mida qaabka canshuurta dowladda loo qaado iyo doorka maamul goboleedyada, mideynta dakhliga dowladda, qoondada miisaaniyadda laga siiyay maamul goboleedyada iyo arrimo kale.

Su’aalo weydiinta oo weli socota ayaa Wasiirka Maaliyadda faahfaahin ka bixiyay qaabka miisaaniyadda loo diyaariyay, isagoo sheegay in maamul Goboleedyada ay kala hadleen qaabkii loo mideyn lahaa canshuuraha.

Xildhibaano dhowr ah ayaa is qoray si ay su’aalo u weydiiyaan Wasiirka Maaliyadda, waxaana su’aalaha horyaalla ugu badan qaabka ay ku dhacday in lacago badan loo qoondeeyo maamullada qaarkood.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON