Sunday, June 22, 2025

Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la Dhaariyay iyo Musharixiinta Mucaaradka oo Qaadacay

Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta la dhaariyey, kadib markii xilli danbe waaberigii lagu dhawaaqay Liiska 58 ka mida 66-da xubnood ee Golahaasi oo ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Khaatumo.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee maamulka Puntland ayaa shaaciyey liiska Golaha Wakiila cusub ee Puntland, waxaana kulankoodii ugu horeeyay ay yeesheen Duhurnimadii kadib markii la dhaariyay, iyagoo iska dhex doortay guddoomiye KMG ah oo noqday Mudane Xasan Cabdalla Cali.

Dhinaca kale Musharixiinta Mucaaradka ayaa ka hor yimid Liiska xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland, waxayna ku tilmaameen sharci darro aan loo marin jidkii saxda ahaa.

Ad

HALKAN KA AKHRISO LIISKA XILDHIBAANNADA CUSUB EE PUNTLAND

Qoraal ay wadajir u soo saareen 16 ka mida Musharixiinta Mucaaradka ee Puntland ayaa lagu sheegay inaysan aqoonsaneyn liiska xildhibaannada aan lagu soo xulin habraacii saxda ahaa, waxayna caddeeyeen inaysan doorasho ku galeynin liiskaasi.

Sidoo kale waxay Musharixiinta uga digeen Madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo ee Puntland Siciid C/llaahi Deni inuu horseedo amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, iyagoo dusha u saaray wixii ka dhasha tallaabooyinka uu qaaday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON