Shirar looga arrinsanayo Sharciga Doorashada ee Baarlamaanka horyaalla ayaa caawa ka socda magaalad Muqdisho, iyadoo uu socdo qorshe looga hortegayo qodobo ka mida Sharciga.
Qodobka cabsida weyn laga muujiyey ayaa ku saabsan Muddo kordhin loo sameynayo dowladda hadda jirta hay’adaheeda, waxaana shir ka yeeshay aarirntan Xildhibaannada iyo xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Shirkan ayaa looga hadlay Sharciga Doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka galayo, waxaana ka dhex muuqday xildhibaannada mucaaradka ugu waaweyn ee ka mida xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran, iyadoo aanay wax go’an ah kasoo bixin.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaannada mucaaradka ay qorsheynayaan Mooshin looga hortegayo in degdeg lagu ansixiyo Sharciga Doorashada ee maalinta Berri ah akhrintiisa saddexaad maraya fadhiga xildhibaannada Baarlamaanka, iyagoo doonaya in laga saaro qodobadda ay diidan yihiin.
Dhinaca kale waxaa jira ololeyaal kale oo siyaasadeed o ay wadaan xildhibaanno kala duwan oo dhinaca kale ah oo iyaguna dhinacooda uga horjeeda sharcigan.




