Qaar ka mida xildhibaannada kasoo jeeda soo jeeda Gobolada Waqooyi (Soomaaliland) ee taageersan madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor yimid guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, iyagoo eedeyn kulul u jeediyey.
War-saxaafadeed ay ku saxiixan yihiin 47 Xildhibaan ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ayey ku sheegeen inuusan ku metelin Guddoomiyaha Aqalka Sare qoraallada uu soo saarayo ee uu uga hor yimid Guddiyada doorashooyinka oo ay magacawday Xukuumadda Soomaaliya.
Waxay xildhibaannadan taageereen heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka oo Muqdisho lagu gaaray 17/9/2020 iyo Guddiyada Doorashada ee ay xukuumadu magacawday, halka ay faregelin qaawan oo meel ka dhac ku ah siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ku tilmaamen baaqii kasoo baxay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

