Kulamo kala duwan ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo looga hadlayo kulanka Baarlamaanka Federaalka Berri ka yeelan doono arrinta Kiiska Sarkaalkii ONLF ee loo gacan geliyay Itoobiya.
Kulamo ay yeelanayaan xildhibaanada beelaha kala duwan ee taageersan xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka dhacaya caasimadda, iyadoo kulankii ugu horeeyay uu hadda u socdo xildhibaanada beelaha Hawiye ee taageersan xukuumadda.
Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay udiyaar garoobayaan kulanka Berri ee Golaha shacabka oo laga furayo dood ku saabsan kiiska Qalbi dhagax, waxaana sidoo kale magaalada ka socda kulamo kale oo ay leeyihiin isla xildhibaanada taageersan xukuumadda.
Dhinaca kale waxaa socda kulamo ay isugu yimaadeen xildhibaanada ka horjeeda xukuumadda iyo go’aankii lagu dhiibay C/kariin Qalbi dhagax oo ujeedkoodu yahay in Mooshin loo bedelo arrintan si kalsoonida loogala noqdo xukuumadda.
Goobjooge