Guddiga FEIT oo fasaxay laba kursi oo ka mida saddexdii Kursi ee khilaafka dhaliyay
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xal laga gaaray kuraastii khilaafka ka taagnaa ee laga soo doortay magaalada Baydhaba.
Kadib wadahadal maanta oo dhan u socday madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo xubnaha Guddiga Doorashada Heer Federaal FEIT ee uu hoggaaminayey guddoomiyaha Guddiga Muuse Geelle ayaa lagu heshiiyey in laba kursi la aqoonsado natiijadii doorashada ka dhacday Baydhaba halka kurisga kale lagfu celinayo Doorashadiisa.
Heshiiska laga dhinac ayaa dhigaya in Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Hee Federaal (FIET) ayaa fasaxay oo aqoonsaden natiijada Kuraasta Kala ah HOP103 iyo HOP204; iyadoolagu celinayo doorashada kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#154.
Shir jaraa’id oo ay xubnaha Guddiga FEIT goor dhoweyd ku qabteen magaalada Baydhaba ayey sheegeen inay kuraasta HOP103 iyo HOP204 kala shireen odayaasha beelaha leh, kurasta, sidaasina lagu sii daayey, Berrina ay xildhibaannada K/Galbeed kasoo jeeda tegi doonaan Muqdisho si loo dahariyo, marka ay qaataan shahaadooyinka.
“Xubno ka mid ah Guddiga FEIT oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga Mudane Muse Gelle Yusuf, oo u aaday Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Koonfur Galbeed xallinta tabashadii ka soo laabatay 3 kursi oo deegaan doorashadoodu ahayd Koonfur Galbeed, ayaa go’aan ku soo saaray in kursiga HoP#204 iyo HoP#103 ay fasaxanyihiin, halka kursiga HoP#154 lagu celindoono doorashadiisa” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.
Heshiiskan ayaa dhabaha u xaaraya inay Muqdisho Berri yimaadeen ilaa 70 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal si ay u qaataan shahaadooyinkooda, ugana qeyb galaan dhaarta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee 11-aad.
