Monday, July 7, 2025

Xildhibaanadii ugu badnaa ee Ahlu suna oo iska xaadiriyey kulankii maanta ee Baarlamaanka Galmudug..

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in tiradii ugu badneyd xildhibaannada ay soo xushay Ahlu suna ay dib ugu laabteen Baarlamaanka Galmudug, iyagoo maanta ka qeyb galay kulankii lagu dhageystay khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xildhibaanno gaaraya ilaa 8 ayaa la sheegay inay kasoo xaadireen kulankii Baarlamaanka Galmudug, iyagoo diiday inay ka mid noqdaan Baarlamaanka ay Ahlu suna sida degdegta ah shalay u abaabushay, waxaana la sheegay in ilaa 10 kale ay ka qeyb geli doonaan Doorashada Berri ka dhici doonta Dhuusamareeb.

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay socday kulamo ay guddoonka Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kala duwan la yeelanayeen xildhibaannada Ahlu suna oo hore ay uga baxeen 3 xildhibaan, waxaana hadda muuqata in inta badan xildhibaanadii ay Ahlu suna magacawday ay dib ula midoobayaan Baarlamaanka Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON