Monday, July 14, 2025

Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka hadlay fursadaha ku jira heshiiskii Somalia iyo Itoobiya [Akhriso]

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay fursado uu sheegay inay ku jiraan heshiiska is afgaradka ah ee ay wada gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiska Soomaaliya iyo Ehiopia uu diiradda saaray Dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo mar walba aad isugu xiran, Wuxuu taxay fursadaha uu xildhibnaanku soo jeediyay oo kala ah:

1- Waxaa muuqata in wadahadalkan ay dowaladda Ethiopia ku garowsatay inay tahay Soomaaliya jihada kali ah ee ay kala hadli karto danaha ay ka leedahay dalkeena gaar ahaan Dekadaha.

2- Heshiiskan waxa uu dadka Soomaaliyeed tusinayaa in iyadoo ay jiraan dowlad goboleedyada dalka ka dhisan haddana ay tahay dowaldda dhexe ee Soomaaliya cidda keli ah ee ka hadli karta waxyaabaha si guud u taabanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed.

3- Dadka gaaraya 100-ka milyan ee Ethiopia waxa ay noqon karaan suuq ay Soomaalida xagga ganacsiga ku firfircooni badeecaddeeda u suuq gayn karto haddii loo sameeyo heshiisyo lagu hagaajiyo xariirka ganacsi ee labada dal

4- Ugu danbayn heshiis in Ethiopia ama wadan kale lala galaa ceeb maaha laakiin waa in danaha dalka iyo dadka lagu ilaaliyo heshiis walba oo la gaaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON