Sunday, February 5, 2023

Xildhibaannada Aqalka Sare ee kasoo jeeda K/Galbeed War kasoo saaray Xariga Mukhtar Roobow [Akhriso]

Xildhibaannada Aqalka Sare ee kasoo jeeda maamulka K/Galbeed ayaa war ay kasoo saareen uga hadlay xaaladda ka dhalatay xariga Mukhtaar Roobow iyo doorashada maamulkaasi oo ay dalbadeen in dib loo dhigo.

Qoraal kasoo baxay  ayay ku sheegeen Senatoorada inay tahay wax laga xumaado afduubka lagula kacay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa Musharixiinta, iyadoo dalbaday in xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Senatarada Dowlada Federalka ku-matalaayo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayagoo kaduulaayo dhibaatooyinkii ay horey uga digeen ee xaladaha Amni, Siyaasadeed, waxaa ay soo saareen qodobada soo socda:

1. Tacsi: Senatarada waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan ehelada dadkii ku geeriyoodey dhibaatadii maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo waxayna u rajeynayaan inta ku dhaawacantay inuu Alle u boogo dhayo Insha Allah.

2. Afduub: Waxaa wax laga xumaado ah Afduubkii maanta magaalada Baydhabo loogu geystey Sheikh Mukhtar Robow oo kamid ahaa musharaxiintii sida sharciga ah ubuuxisey shuruudaha musharaxnimo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana DFS
kadalbaneynaa in ay xuriyadiisu dib ugu soo celiso si uu Doorashada lafilaayo uga qeyb galo

3. Doorashada: Kusimaha Madaxweynaha, Gudoonka, Gudiga Doorashada, xildhibaanada KG iyo Dhamaan daneeya-yaasha Doorahada KG waxaan usoo jeedineynaa in dib loo dhigo Doorashada ilaa iyo inta laga helaayo jawi Xasiloon oo suurta gelin kara doorasho Xur iyo xalaal ah.

4. Ciidanka AMISOM: waxaa wax laga xumaado ah in ciidanka AMISOM ee Ethiopia ay kudhex milmaan siyaasada Soomaaliya gaar ahaan tan Koonfur Galbeed, loona adeegsado faragelinta iyo dhibaatada ay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ku hayso arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed.

5. Gaba-gabadii: waxay Senatarada ugu baaqayaan shacabka Koonfur Galbeed in ay is dejiyaan, ilaashadaana midnimadooda, iyo xasiloonidooda iskana ilaaliyaan in iyaga loo adeegsado burburinta Maamulkooda.

Wabillahi Towfiiq

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!