Monday, June 23, 2025

Xildhibaannada Baarlamaanka oo ansixiyey mid ka mida Sharciyadii la hor geeyay [Akhriso]

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhoweyd ansixiyey xeerka hanti dhowrka oo isbedel kooban lagu sameeyay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh ayaa furay kullanka maanta ee  Golaha Shacabka, isagoo sheegay in Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka uu maray saddexdii akhrin ee Sharciga ahayd maanta ay tahay in loo coddeeyo, balse 12 Xildhibaan ay soo gudbiyeen qoraal ay ku codsanayaan in wax laga bedelo qodobadda qaar ee Hindisaha Sharciga hanti Dhowrka Guud ee qaranka.

Xildhibannadaasi waxaa u hadlay Cismaam Xaaji Cali oo akhriyey Qodabada ay doonayaan in wax laga badalo, sida “Magaca oo ah: Sharciga hanti Dhowrka Guud ee Fadaraalka – loona bedelo – Sharciga hanti Dhowrka Guud ee Qaranka” , wuxuu kaloo codsaday in lacadeeyo qoddobadda sheegaya Madax banaanida Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Cod loo qaaday  ayaa waxaa Sharciga Hanti Dhowrka Guud Qaranka ku taageertay 164 xildhibaan, waxaana diiday  11 xildhibaan iyadoo aanu jirin xildhibaan ka aamusay. sidaasina waxaa lagu dhawaaqay inuu ansaxa yahay.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Bayle ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka ansixinta Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON