Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa gelaya safax labo bilood ah, iyadoo gebi ahaan la hakinayo kalfdhiyadii Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaciyay in laga billaabo 16-ka Bishan December ay xildhibaannada Golaha Shacabka geli doonaan fasixii caadiga ahaa ee labada bilood, iyadoo sharciyada iyo hindiseyaasha horyaalla laga doodayo inta ka harsan 16-ka Bishan.

Arrintan ayaa ka dhigan in bartamaha bisha Febraayo oo ku beegan sanadguuradii koowaad ee doorshada madaxweyne Farmaajo ay dib isugu soo laaban doonaan xildhibannada Baarlamaanka, taasoo halis gelineysa ololihii siyaasiyiin muraacad ah iyo xildhibaanno ugu jireen Mooshinka ka dhan ah madaxweynaha.

Mooshinka xil ka qaadista oo diyaarintiintiisa ay wadaan kooxdii Damjadiid iyo siyaasiyiin la bahoobay ayaan weli helin codad ku filan oo ah xildhibaanno saxiixa, taasoo keentay dib u dhac ku yimaada in mooshinkaasi uu xaqiiqo noqdo, waxaana hore loo waayey xildhibaanno lacag loo siiyay saxiixa mooshinka.