Wednesday, July 2, 2025

Xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda Hirshabelle oo Go’aanno culus soo saaray (Akhriso 5 Qodob & Magacyada)

War Saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Hirshabelle ayaa lagu taageeray doorasho waqtigeeda ku dhacda in beelaha Soomaaliyeed u siman yihiin xilalka maamulkaasi oo loo tartamo.

Qoraal kasoo baxay xildhibaanadan ayaa u qornaa sida soo socota:

Shir ay isugu yimaadeen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedka Hirshabeele ee maanta oo ay taariikhdu 08/10/2020 kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa looga tashaday laguna gorfeeyay xaalaadaha siyaasadeed mid amni, bulsho iyo midda noolaleed ee ka jirta Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Markaan aragnay qodobada, 3aad, 4aad, 11aad iyo 22aad ee Dastuurka JFS ee qeexaya mabaadiida guud ee JFS, Ilaalinta, Sareynta Sharciga JFS, Sinaanta muwaadiniinta iyo Xaqa ka qeyb galka siyaasadeed ee qof walba oo mawaadin ah xaqa u leeyahay.

Markaan aragnay Qodabda 5aad, 6aad, 25aad, 46aad iyo 47aad ee Dastuurka Dowlad Gobaledka Hirshabelle ee qeexaya Mabaadiida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Sareynta Sharciga, Xaqa ka qeyb galka Siyaasadeed ee uu leeyahay qof kasta oo ah muwaadin Soomaaliyeed una dhashay deegaanada Hirshabeele.

Markaan garwaaqsanay xaaladda adag ee ay mareyso Dowlad Gobaledka Hirshabele iyo masuuliyadda naga saran, waxay soo saareen Xildhibaanadda JFS deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeele war-saxaafadeedkaan;

1- In doorasha dowlad goboleedka Hirshabeele waqtigeeda ku dhacdo sida ku muddeysan Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeele .

2 – In aan taageersanahay guddiga farsamada sooxulista Baarlamaanka 2aad ee Dawlad Goboleedka Hirshabeele ee uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle Tr. 29/09/2020.

3 – Waxaan soo dhaweyneynaa Jadwalka doorasha ee ay soo saareen Guddiga Farsamada Sooxulista Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle kuna taariikheysan 06/10/2020.

4 – Si loo ilaaliyo xuquuqda Dastuuriga ah ee muwaadiniinta, waxa xilka madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka u tartami kara  muwaadin kast oo kasoo jeeda deegaanada Hirshabelle sida ku cad Qodobada 46aad iyo 47 ee Dastuurka Hirshabelle.

5 – Waa in Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya iyo cid kasta oo ay quseysa ay ka qeyb qaadato hergelinta doorasho waqtigeeda ku dhacdo.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Madaxda Dowladda Fedaraalka  Soomaaliya iyo Madaxda Hirshabelle u istaagaan hirgalinta doorasho waqtigeeda ku dhacda,  si looga fogaado firaaq Dastuuri ah ama muddo korarsi aan sharciga waafaqsaneyn.

Sida oo kale waxaan uga mahadcelineynaa Beesha caaalamka garab istaaga mar waliba ay garab taagantahay Dawlada Federaaalka guud ahaan iyo Dawlad goboleedka Hirshabeeele.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA XILDHIBAANNADA:

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON