Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaannada Garabka Dhuusamareeb oo xilkii ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xildhibaannada Galmudug Garabka Dhuusamareeb ay xilkii ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey.

Kulanka xildhibannada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay fadhiyeen 142 xildhibaan, iyadoo laba maalin dood ah kadib ay cod gacan taag ah xilkii uga qaadeen, 140 xildhibaan ayaa la shaaciyey inay cod u qaadeen ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne ku xigeeenka, waxaana shirka guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Galmudug oo Baarlamaanka Cadaado uu isna xilkii ka qaaday.

Laba garab ee Baarlamaanka Galmudug u kala jabay ayaa hadda dhammaan xilalkii ka qaaday madaxda sare ee Galmudug, sida Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

Waxaa la sugayaa doorashooyin ka kala dhaca Dhuusamareeb iyo Cadaado oo laba maamul ay u kala jabaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON