Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inay wadaan Mooshin ka dhan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.
Xildhibaanadan oo ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar gacansaar la leh ayaa magaalada Nairobi ka sheegay inay wadaan qorshe ay ku soo gole joojinayaan Ra’iisal wasaaraha, si wax looga weydiiyo balanqaadyadiisii iyo barnaamijkii shaqo ee waxba uu ka fulin waayey
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu xukuumad cusub soo dhiso, wuxuuna sheegay inaysan iyagu xilal dooneyn, basle ay jiraan dad badan oo kasoo bixi kara xilalkaasi, dalkana ka gudbin kara fashilka xukuumadda Xasan Cali Kheyre
Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanadan ayaa sheegay in labadii sano ee Ra’iisul Wasaare Kheyr uu xilka hayey uu diiday inuu hor yimaado Baarlamaanka oo marar badan loogu yeeray, wuxuuna ku eedeeyay in xukuumadda ay kala qeybisay Baarlamaanka si aan loola xisaabtamin.
Xildhibaanno iyo siyaasiyiin shalay ku shiray magaalada Nairobi ayaa soo jeediyey in xukuumad cusub la soo dhiso iyagoo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo.