Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ka furmaya kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta looga hadlayo dhismaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Kulankan oo ay xildhibaannada qaar sii tageen xaruntooda Villa Hargeysa, waxaana xilli hore iska xaadiriyay xildhibaannada Garbahaarey oo sawirro ay iska soo qaadeen soo dhigay baraha bulshada, waxaana laga cabsi qabaa inay qas kale ka dhex abuuraan Golaha.
Sidoo kale waxaa Xarunta Baarlamaanka ku sugan xildhibaanada lagu soo xulay magaalada Ceelwaaq, waxayna arrintan ka mid tahay dhaxalka Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dagaal la galay maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa laga sugayaa inay go’aan ka gaaraan kiiskan Baarlamaankii 11-aad ka dhigay xarun ay isku dhex heystaan xildhibaanno ay laba dhinac soo kala doorteen oo mid kasta ku doodaya inuu yahay xildhibaanka sharciga ah.
Taliyeyaasha ciidamada Madaxtooyada, Xildhibaan C/llaahi Kulane oo ka mida madaxda NISA ayaa gacan ku siinaya xildhibaannada Garbahaarey inay galaan xarunta Viilla Hargeysa.
