Sunday, July 13, 2025

Xildhibaannadii ugu danbeeyay oo kusoo baxay Doorashadii Baydhaba (Akhriso Magacyada)

Maamulka K/Galbeed ayaa maanta soo gabgabeeyay Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee degaanada maamulkaasi laga soo doorto.

Xildhibaannadii ugu danbeeyay oo ah 7 ayaa maanta kuso baxay doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba oo la sii ogaa xubnaha kusoo baxaya, sida caadiga u ah doorashadii ka dhacay maamulka K/Galbeed.

Liiska Magacyada Xildhibaannada maanta kasoo baxay Magaalada Baydhaba ayaa kala ah:

1- HOP047: Waxaa kusoo baxday Xaawo Sokor Cali. Waxaa kursigan hore ugu fadhisay Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo Madaxweynaha K/Galbeed meesha ka saaray, Walaalkeed uu qaatay kursi ka mida Aqalka Sare.

2- HOP164: Waxaa kusoo baxay wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi. Waxaa kursigan hore ugu fadhiyay Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanax).

3- HOP172: Waxaa kusoo baxay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo soddog u ah lafta-gareen. Waxa kursiga horey ugu fadhiyay Cali Cadow Maxamuud.

4- HOP204: Waxaa kusoo baxay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag, waxaana kursigan dacwad ka gudbiyey oo musharax u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

3- HOP197: Waxaa kusoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Baay Cumar Cali Isaaq Balash, waxaana horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee howlaha guud C/fatax Maxamed Ibraahim Geesey.

6- HOP181: Waxaa kusoo baxday xildhibaan Maryan Macalin Isaaq oo kursigaan horay ugu fadhiday, mar kalena kusoo laabatay.

7- HOP179: Waxaa kusoo baxay Maxamed Keerow Maxamed, iyadoo uu hore ugu fadhiyey oo uu Maxamed Axmed Garweyne. Waana kursigii ugu danbeeyay ee Golaha Shacabka oo laga soo doorto Baydhaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON