Tuesday, July 15, 2025

Xildhibaannadii xilka ka qaaday Xaaf oo aqbalay Codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa codsi hordhigay in ka badan 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, kuwaasoo ahaa xildhibaannadii  xilka ka qaadeyn Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf.

Kulan uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo xalay dhex maray labada dhinac ayuu dood dheer kadib uga codsaday inay qoorta ay dhiibtaan, kuna qancaan wixii go’aan ah ee uu isagu u soo qaado si loo xaliyo khilaafka madaxda Galmudug oo uu dhexdhexaadin ka dhex wado.

Xildhibaannadii xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf ayaa ogolaaday codsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay siiyeen awood uu go’aan uga qaadan karo khilaafka hareeyay maamulka Galmudug, iyadoo lagu wado in dhowaan la isu keeno madaxda is khilaafsan ee madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa hore u aqoonsatay madaxweynenimada Xaaf, iyadoo xukuumadda ay hore u taageertay go’aankii xilka looga qaaday, taasoo loo arkay inay xiisadii qaboojisay.

Qaar ka mida xildhibaannada shirka ka qeyb galay ayaa beeniyay inay ogolaadeen codsiga madaxweynaha, waxayna sheegeen in shirar kale dib loo qaban doono.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON