Waxaa galabta magaalada Kismaayo lagu dhaariyey baaralmaankii labaad oo ay soo xuleen Guddiga Doorashada ee Musharixiinta isbedel-doonka Jubbaland, kaasoo barbar socda Baarlamaanka kale ee shalay halkaasi lagu dhaariyey.
75 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Isbedel-doonka ayaa lad haariyey iyadoo xafladda ay goobjoog ka ahaayeen odayaasha dhaqanka qaarkood, Siyaasiyiin iyo Musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland ee ka horjeeda Axmed Madoobe, iyadoo hadda jubbaland leedahay laba Baarlamaan oo cusub, isla markaana haddii aan xal loo helin ay dhowaan yeelan doonto laba guddoon Baaralmaan iyo laba madaxweyne.
