Siyaasiyiinta iyo xildhibaano ay isu dhow yihiin Taliyihii Booliska G/Banaadir Jen. Saadaq Cumar (Saadaq Joon) ayaa fariimo culus sooo saaray, iyagoo ku baaqay in la difaaco.
Xildhibaannada Mahad Maxamed Salaad, C/raxmaan Odowaa iyo wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Maxamed Farmajo inuu weerar ku yahay Jeneraal Saadaq Joon, waxayna dalbadeen in laga hortago falkaasi gardaradda ah.
“Waxaa caaway magaalada Muqdisho laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo argagixin xaafado shacab oo ka mid ah Muqdisho taasoo looga gol leeyahay in la weeraro Gen. Saadaq John oo la isugu daray laba maalmood gudahood in xilka laga qaado, garaadihii si sharciga baalmarsan looga rifay, saacadaan la rabo in la weeraro oo naftiisa iyo tan ilaaladiisaba halis la geliyo” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.
Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya ay burburiyern ku takrifal awoodeed iyo in ciidamada loo adeegsado si sharciga baalmarsan, amar qaldanna lagu laayo saraakiil iyo shacab intaba, wuxuuna ciidamada la faray weerarka ugu baaqay in aysan qaadan amar qaldan isla markaana ay ka baaqsadaan in ay daadiyaan dhiig dhabarka u saaraya danbiyo lagula xisaab tamaam doono mustaqbalka.
XIldhibaan Mahad Salaad ayaa isna farriin uu soo saaray ku yiri: “Farmaajo caawa wuxuu u diray Gen. Biixi oo ilmo adeer ay yihiin inuu weerar ku qaado Gen Saadaq Joon. Dagaal qabiilaysan weeye waxa caawa uu hurinayo Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa qaraabada in la iska difaaco Farmaajo iyo qowleysatada la socota. Saadaqna dhexdeena aysan kala bixin Farmaajo iyo ina adeerkiis Biixi”

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa farriin uu soo diray ku baaqay in loo wada istaago difaaca Jeneraal Saadaq Joon. “Caawo weerarka Farmaajo iyo kooxdiisa ay ku qaadeen Shiirkole waa fal sharciga baal marsan oo lagu qab jabinayo reerka uu ka dhashay Generaal Sadaq oo la doonayo in dhaxdooda lagala soo baxo. Aniga oo ah Xildhibaanka Genraal Sadaq waxaa dhammaan ugu baaqayaa inta aan ku matalo kursiga iyo Soomaalida xaq darada neceba in loo wada istaago difaaciisa, hogaamiye kooxeedka Farmaajo ahna la tuso xadkiisa”.