Kadib shirar is daba joog ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb waxaa wafdi ka kooban xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Cadaado iyo Dhuusamareeb loo diray magaalada Cadaado.
Wafdigan oo loo xilsaaray inay xal u helaan qancinta Beesha ree Xaaji Saleebaan ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka saree Abshir Maxamed Bukhaari.
Wararka ayaa sheegaya in xaalada kacsan ee Beesha Cadaado ay keentay in la hakiyo xafladii midowga Galmudug iyo dhameystirka heshiiska Ahlu suna iyo Galmudug, arrintan la isla garay inay waanwaan ka galaan xildhibaannada labada aqal ee beelaha H/Gidir.
Ma cadda in Beesha Cadaado ay aqbali doonto 12-ka saac ee soo socota heshiis iyo waanwaanta socota si loo qabto xafladda midowga Galmudug, waxaana hore arrintan ugu fashilmay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle.