Friday, July 11, 2025

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole: “Dowladda Farmaajo waxay ka xun tahay xilligii Gumeysiga…”

Qaar ka mida xildhibaannada laba aqal ee Baarlamaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka dardaar weriyay xaaladda ay xilligan ku sugan tahay Soomaaliya.

Kulanka oo looga hadlayay masiirka dalka ayaa waxaa ka dhex muuqday Senator Axmed Xaashi Maxamud, Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud iyo xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay xilligan ay ka xun tahay xilligii Gumeysiga uu dalka ku jiray.

Xidhibaan Zakariye Xaaji ayaa shirka ka sheegay in taariikh ay qormeyso ayna xilligan dhacday in Garoonka Muqdisho laga dhoofiyo muwaadiniin Soomaaliyeed, taasoo ay hoos ugu dhacday Soomaaliya xaalad halis ah.

Dalalka deriska ah ayay ku eedeeyeen inay Soomaaliya u gacan gashay oo ajendayaal danahooda ka shaqeynaya u adeegsanayaan inay Soomaaliya ku hoos jirto.

Xildhibaannada sida kulul uga hadlay shirka waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo sheegay in Soomaaliya ku jirto xaalad adag oo ka liidata dhammaan xilliyadii lasoo maray.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON