Thursday, June 26, 2025

Xildhibaanno laga hor istaagay inay la kulmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka

Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ayaa laga hor istaagay inay la kulmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Sida ay saxaafadda u sheegeen dhowr xildhibaan oo saaka doonayey inay la kulmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa loo diiday, iyadoo ay ka hor istaageen ciidamada ilaalada Madaxtooyada, iyadoo ku eedeeyay inay madaxtooyada xayiraad saartay Guddoomiye Mursal.

Xildhibaannada arrintan ka hadlay waxaa ka mida xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo sheegay in laga hor istaagay inay u tagaan Guddoomiyaha Baarlamaanka oo laga soo celiyay Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shalay qabtay Mooshin xil ka qaadis madaxweyne oo laga keenay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka dhashay xasarad siyaasadeed oo ka dhex dhalatay Guddoonka Baarlamaanka.

Tallaabadan ay qaadeen ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaan la ogeyn inay tahay shil kooban iyo qorshe xabsi guri lagu gelinayo guddoomiye Mursal, waxaana xildhibaannada saaka la soo celiyey ay mar kale doonayaan inay la kulmaan guddoomiyaha Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON