Friday, June 27, 2025

Xildhibaano laga Cabsi qabo inay Qas ka abuuraan kulanka Baarlamanka & Xeer Culus oo horyaalla

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta oo Isniin ah loogu yeeray kulan ka mida kalfadhiga 7-aad oo ka dhici doona Xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa, madaxtooyada Soomaaliya.

Ajendayaasha kulanka maanta ayaa kala ah: 1- Akhrinta koowaad heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga iyo 2. Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka oo ah xeer muran badan dhaliyey markii kuraas dhowr ah laga bedelay degaanadii lagu yiqiin.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ka horjeeda Metalaadda Gobolka Banaadir oo isbaheystay ay qorsheynayaan inay qas ka abuuraan fadhiga Baarlamaanka, si ay isu hortagaan inuu Baarlamaanku kulamo kale yeesho.

Baraha bulshad ayaa sidoo kale lagu faafiyey Mooshin la sheegay inay wadaan xildhibannada kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland ooaku saabsan in Baarlamaanka la furo laguna daro 30 xubnood oo kale.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu eedeeyay inuu heshiis la yahay madaxweyne Farmaajo oo dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Maamul Goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON