Xildhibaan C/shakuur Cali Mire ayaa ku tilmaamay si xun u adeegsiga Federaalka iyo miraha laga dhaxlay Qaranjabkii Soomaaliya in guddoomiye Gobol uu isaga dhawaaqo inuu xiro qeyb ka mida xuduudaha dalka.
Xildhibaanka oo ka hadlayey warkii xalay kasoo baxay Maamulka Jubbaland ee lagu sheegay in la xiray xuduudaha Cirka, Dhulka iyo Badda ee magaalada Kismaayo inta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inaysan arrintaas oo kale ka dhicin dalalka xorta ah ee la aqoonsan yahay dhexdooda.
“Wax inta badan aan ka dhicin dalalka xorta ah ee gobonimada la aqoonsan yahay leh, baa dalkeena ka dhaca. Guddoomiye gobol baa ku dhawaaqaya in hawada qeyb ka mid ah dalka iyo xuduudihisa Badba iyo Dhulku xiran yihiin…. Waa miraha ka dhashay qaranjabka iyo si xun u adeegsiga fedralka..” ayuu qoraalkiisa ku yiri xidhibaan C/shakuur Cali Mire.
Xildhibankan ayaa ka mida taageerayaasha sida weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo, halka xildhibaanno kale oo ku sugan magaalada Kismaayo ay taageersan yihiin madaxweynaha doonaya in markii saddexaad la doorto ee Jubbaland Axmed Madoobe.