Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa Madaxtooyada Somalia ku eedeeyay inay Ciidamada Itoobiya u adeegsaneyso Doorashooyinka maamulka Jubbaland, ayna lasoo baxday weji cusub oo uu ku tilmaamay khiyaano Qaran.
“Ciidamada Itoobiya ee arrimo hoosaadka Doorashooyinka Kismaayo loo adeegsanayo oo hadba weji cusub la soo baxaya waa khiyaano Qaran oo xafiiska madaxweyne Farmaajo uu ku dhacayo. Kanaaladii kol hore la sheegay in la soo xiray sow uma eka kuwo qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya baabi’inteeda lagu soo bedeshay..” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi oo taageersan Axmed madoobe ayaa sheegay in Isku day kale oo Qiyaano Qaran ah shalay galab lagu fashiliyey Kismaayo, kadib markii ciidamo Kumaandoosta Itoobiya ka tirsan oo la soo kiraystey ay si tahriibis ah isugu dayeen In lagu soo gelsho Kismaayo kaasoo ugu danbayn guuldarreystey.
Wuxuu sheegay in doorashooyinka dawlad goboleedyadu ay midba midda ka danbeysa Daaha ka sii rogayso sida dalka Soomaaliya iyo taladiisii loo hoos geeyey Dawladda Itoobiya,