Wednesday, June 25, 2025

Xildibaan Odowaa oo u jawaabay kulul u diray C/weli Gaas: “Muqdisho waa Maagaalo Madaxdeena!..”

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa jawaab kulul u diray Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas.

Xildhibaan Odowaa ayaa qoraal kooban ugu jawaabay C/weli Gaas oo dalka Imaaraadka ka sheegay in Muqdisho aanay ahayn Soomaaliya, Soomaaliyana aanay ahayn Muqdisho, wuxuuna qoraalkiisa cinwaan uga dhigay: “Muqdisho waa Maagaalo Madaxdeena!.

HOOS KA AKHRISO JAWAABTA XILDHIBAAN ODOWAA

Waxaan dhagaystay shirkii Jaraa’id ee Madaxweyne Gaas uu ku qabtay Dalka Imaaraatka kaas oo uu ku sheegay “Muqdisho Soomaliya maaha, Soomaaliyana Muqdisho maaha”.

Waxaan la soconaa inay jirto kala aragti duwanaasho u dhaxaysa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Gaas oo ku saabsan khilaafka Khaliijka. Waxaan filaynay wixii eedeyn ah oo arinkaas la xiriira inuu u jeediyo maamulka federaalka ah ee talada haya.

Mudane Gaas munaasib kuma ahayn in uu Muqdisho maago, inkirana Soomaalinimadeeda, ayadoo ah meeshii uu wax ku bartay, kana shaqo bilaabay.

Buqcad kasta oo Soomaaliya ku taal waa Soomaaliya.
Muqdishana waa hooyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON