Taranka xilka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa si adag loogu taramay, iyadoo shanta musharax ee u taagan xilkaasi ay heleen codad kala duwan.
Kadib wareegii koowaad ee codeynta waxaa ugu codad batay saddex musharax ee kala ah: Cali Daahir Ciid, C/qani Sheekh Cali Diini iyo iyo Maxamed Xaashi Carrabey, waxayna natiijadii noqotay:
1: Cali Daahir Ciid = 26 Cod
2: Cabdi Qani Sheekh Cali Diini = 26 Cod
3: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) = 12 Cod
4: Saadaq Cabdullaahi Xaashi = 7 Cod
5: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir) = 6 Cod
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa markii uu natiijada ku dhawaaqay wuxuu sheegay in wareega labaad ee doorashada la geli doono, ayna isugu soo hareen musharixiinta kala ah:
1: Cali Daahir Ciid
2: Cabdi Qani Sheekh Cali Diini
3: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)
4: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)
Musharax C/qani Sheekh Cali Diini oo aan al fileyn inuu heerkan soo gaaro ayaa xogta la helay sheegeysaa inuu olole weyn xalay galay, isagoo kharash siiyey xildhibaano badan.
Waxaa tanaasulay labada musharax, waxaana loo gudbay wareegga saddexaad oo lagu kala baxayo cod hal dheeri ah iyadoo ay ku tartamayaan Musharxiinta Cali Daahir Ciid iyo C/qani Sheekh Cali Diini.