Saturday, June 28, 2025

Xilliga ay dhaceyso Doorashada Senatoorada Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo la shaaciyay

Qabanqaabadii ugu danbeysay  ayaa ka socota magaalada Jowhar, iyadoo la filayo in la doorto senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u soo gelaya maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in doorashada xubnaha Aqalka sare ee maamulkiisa ay dhaceyso  maalinta Axadda ee November 6, 2016.

Wuxuu intaas ku daray in la dhameystiray liisaskii iyo qeybintii kuraasta  ayna doonayaan inay si degdeg ah u shaqo bilaabaan maadaama ay dib u dhac galeen oo doorashada labada aqal ay isa saaran tahay.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in weli muran ka taagan yahay beelaha dhexdooda, waxayna beeluhu go’aan ka gaari waayeen xubnaha la doonayo inay ku soo baxaan 8-da kursi ee Aqalka Sare ku leeyihiin maamulka Hirshabeelle.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON