Sunday, July 13, 2025

Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo xisbiyada Somaliland oo la shaaciyay & Cabsi…

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray go’aan ku saabsan xilliga la qabanayo Doorashooyinka Maamulka Somaliland oo muddo dheer khilaaf ka taagnaa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddigan ayaa lagu shaaciyay inay Doorashada koowaad noqonayso Doorashada ururrada siyaasdda, oo ay mudeeyeen inay dhici doonto 28-ka bisha December ee sanadkan 2023.

Dhinaca kale doorashada labaad Madaxweynaha Somaliland ayey shaaciyeyeen inay dhici doonto 13-ka November sanadka 2024 ka, xilligaas oo uu ku eg yahay Muddo kordhinta 2-da Sano ee Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Madaxweyne Muuse Bixii oo mudadda xilka loo doortay ku eg tahay November sanadkan 2023.

Go’aanka guddiga doorashooyinka Somaliland maanta ku dhawaaqeen ayaa imaanaya kulamo iyo wadatshiyo ay maalmihii u danbeeyey la yeesheen xisbiyada, ururada bulshada rayidka ah iyo madax dhaqameedka Somaliland.

Dhinaca kale labadii xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka ugu jiray Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay inaysan qeyb ka ahayn go’aanka Guddiga soo saaray, isla markaana uu keenayo dhibaato horleh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON