Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta doortay Guddiga Doorashada Aqalka Sare ee Guddoonka Aqalkaasi, iyadoo la shaaciyay waqtiga la qabanayo Doorashada.
Guddigan oo ka kooban lix xubnood (HALKAN KA AKHRISO) ayaa waxay guddoomiye u doorteen Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo kasoo galay Hirshabeelle, halka Xoghayaha loo magacaabay Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka galay Puntland.
Guddiga ayaa sheegay in diiwaan gelinta musharixiinta Guddoonka Aqalka sare ay dhici doonto 17-19-ka Janaayo, waxayna doorashada Guddoonka sare oo ka kooban Guddoomiye iyo laba ku xigeen ay dhici doontaa 22 Janaayo 2017.
Goobjooge.com