Tuesday, June 24, 2025

Xilliga uu furmayo Shirka Dhuusamareeb oo la shaaciyey iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda

Waxaa la shaaciyey xilliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu halkaasi ku sii jeedo Ra;’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Dhuusamareeb ka shaaciyay in 4-ta Bisha September oo ku beegan Maalinta Arbacadaha, iyadoo ergada beelaha Galmudug ay ku wada sugan yihiin magaal;ada Dhuusamareeb, kana qeyb gelayaan shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Ergadii beesha Cadaado oo hore u diidanaa ka qeyb galka shirka ayaa shalay ku biiray, laguna soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb, waxaana shirka la filayaa inuu si rasmi ah u furo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON