Wednesday, June 25, 2025

Xiriirka Sacuudiga & Jarmalka oo xumaaday & Safiirkii Sacuudiga oo dib loogu yeeray

Xiriirka Jarmalka iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa xumaaday kadib markii hadallo uu jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka ay ka careysiiyeen Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga ayaa qaaday tallaabo ay dib ugu yeeratay safiirkii u fadhiyay dalka Jarmalka taasoo ay kaga cabanayaan hadal uu jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel  oo ku saabsanaa sida uu uga walaacsan yahay xaaladda Lubnaan iyo musiibadda bani’aadanimo ee ka taagan Yemen, labadaas dal oo Sacuudigu faraha kula jiro.

Sacuudiga ayay si weyn u saameysay arrintan, inkastoo wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel uu hadalkan jeeiyay xilli ay shir jaraa’id wada qabteen dhiggiisa Lubnaan aanu si cad u sheegin magaca Sacuudiga, wuxuuna soo hadal qaaday in xayiraad Sacuudiga lagu saaray Ra’iisal wasaaraha Lubnaan Sacad Alhariri.

Bayaan uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubair oo ay baahisay wakaaladda wararka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in wararka sheegaya in Mr. Xariiri dhaqdhaqaaqiisa la xaddiday ay yihiin warar been abuur ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale qoraal cabasho ah u gudbin doonta safiirka Jarmalka u fadhiya Riyad, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee xiisad diblomaasiyadeed soo dhex gasho labada dal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON