Wednesday, July 2, 2025

Xiriirka Xasan Sheekh & C/kariin Guuleed oo mugdi soo galay [Kulan dhex maray Sheekh Shariif & Guuleed]

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo dhowaan dalka ku soo laabtay markii arrimo caafimaad loo geeyay dalka India ayaa degdeg ugu laabtay magaalada Nairobi, kadibna u sii gudbay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

C/kariin Guuleed oo dhowaanahan aysan isku fiicneyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay qaaday tallaabo ka careysiineysa madaxweynaha kadib markii uu booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu hoygiisa ugu tegay.

Wararka ayaa sheegaya in C/kariin Guuleed iyo Shariif Sheekh Axmed ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya, xaaladda maamulka Galmudug, Arrimaha doorashooyinka oo ololahooda ay bilowdeen.

C/kariin Guuleed oo dhowaan ka hor yimid go’aankii Madasha Qaran ee ku saabsanaa Aqalka sare, waxayna wararku sheegayaan in xiriirka Madaxweynaha Galmudug  iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu mugdi soo galay.

Lama oga in C/kariin Guuleed taageeri doono musharaxnimada Sheekh Shariif Axmed, laakiin waxaa socda dadaallo badan oo ku saabsan in isbehaysiyo siyaasadeed la sameynayo ka hor xilliga doorashada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON