Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaassiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo saaray mowqifkiisa Heshiiskii Doorashada ee magaalada Dhuusamareeb ay ku saxiixeen madaxweynaha Soomaaliya iyo saddex maamul Goboleed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inuu Heshiisku yahay Qabyo, ayna ka maqan yihiin laba maamul Goboleed iyo Saamileyda Siyaaasadda, wuxuuna xisbigu soo jeediyey 3 qodob iyo faahfaahin badan oo ka maqan heshiiskaasi, ayna ugu muhiimsan tahay in ergada laga dhigo 101, in la caddeeyo cidda soo xuleysa ergada iyo in la waqtiyeeyo xilliga ay dhaceyso Doorashada.
HOOS KA AKHRISO

