Sunday, June 22, 2025

Xisbiga cusub Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo maanta lagu dhawaaqayo

Waxaa la filayaa  in magaalada Muqdisho looga dhawaaqayo urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ururkan oo ah xisbigii UPD ee madaxweynaha oo la balaariyay ayaa la qorsheeyay in lagu dhawaaqo Toddobaadkii hore, balse wuxuu u baaqday Khilaaf ka dhashay awood qeybsiga xilalka sare ee Xisbiga, kadib diidmo ka timid Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Waxaa muddooyinkii dambe socday wada-hadallo siyaasadeed oo la sheegay in khilaafaasi lagu xaliyay. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen lagu qanciyay inuu noqdo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee urur siyaasadeedka cusub ee Caddaaladda iyo Wadajirka.

Ad

Ururuka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa noqonaya xisbigii ugu horeeyay ee ay ku jiraan Madaxda sare ee dowladda Federaalka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, waxaa ka tiirsan Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoone iyo Aqalka Sare Cabdi Xaashi, waxaana kaloo xu Xubnaha xisbiga ka mida Guddoonnada labada gole, Ra’iisal wasaaraha, golaha wasiirada iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Sida ay xogtu sheegeyso, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda haysta hoggaanka iyo uddoomiyaha xisbiga, iyadoo uu yahay musharaxa rasmiga ah ee xisbiga u matali doona doorashooyinka aan la isku raacsaney ee qabanqaabadoodu socoto.

Ujeedka dhismaha urur siyaasadeedkan ayaa lagu sheegay inuu mar saddexaad xukunka kusoo laabto Madaweyne Xasan Sheekh muddo 5 sano ah, isagoo heshiis kula galay Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed inay sidoo kale xilalka si heyn doonaan.

- Advertisement -

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn uga hor yimid xisbiga cusub ee Madaxweynuhu dhisanayo, waxayna ku tilmaameen xisbi lagu boobayo hoggaanka dalka oo la mida xisbigii Kacaanka ee Dowladii Siyaad Barre.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON