Tuesday, June 24, 2025

Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif oo Dacwad ka dhan Xukuumadda Somalia u gudbiyey Maxkamadda..

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyey inuu dacwad ka dhan ah xukuumadda Somalia u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka.

Dacwadda Xisbiga ayaa ku saabsan xayiraadii Dowladda Soomaaliya saartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed xilli uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo 22-kii Bishii Setember ee sanadkaan 2019, waxaana ay dowladda ku eedeeyeen inay ka baxsan sharciga ula dhaqantay hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran.

Maxakamadda Sare ee dalka ayaa qabtay gal dacwadeedka u furtay Xisbiga Sheekh Shariif, iyadoo dacwadan ay ku socoto Xukuumadda Somalia oo ah laanta fulinta oo bixisay amarka lagu hor istaagay safarkii shaqo ee Sheekh Shariif ku tegi lahaa magaalada Kismaayo, waxayna soo qaateen qodobo ka mida dastuurka oo xukuumadda Somalia ay jebisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON