Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso, dibna u dhigto Shirka Arrimaha Shidaalka Soomaaliya ee Berri ka furmaya magaalada Lodon ee dalka UK.
Qoraal kasoo baxay Xisbiga ayaa lagu sheegay in shirkaasi loo baahan yahay inta aan la qaban in la diyaariyo sharciyadii loo baahnaa, wuxuuna xisbiga walaac ka muujiyey shirka ay wado shirkadda Spectrum ee lagu xaraashayo qeybaha 50 Block ah oo dhulka ay fadhiyaan uu gaarayo 173,000 KM oo isku wareeg ah, wuxuuna xisbiga ku baaqay in la hakiyo shirkaasi.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA