Wednesday, June 25, 2025

Xisbiyada Mucaaradka oo ku guuleysatay maamulka magaalooyinka Burco iyo Laascaanood

Isbaheysiga Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku guuleystay maamulka magaalooyinka Burco iyo Laascaanood ee Gobollada Togdheer iyo Sool.

Doorasho maalin dib u dhacday ayaa maanta laga qabtay magaalada Burco, waxaana duqa magaalada iyo ku-xigeenkiisa ku kala guuleystay: Cabdirisaaq Hero iyo Mukhtaar Baaryare, siday u kala horeeyaan, waxayna ka tirsan yihiin xisbiga UCID.

Labada mas’uul ee maamulka Burco loo doortay ayaa ah dhalinyaro kusoo baxday Doorashadii Golaha Degaanka Somaliland ee la qabtay 31-kii May 2021, waxayna arrintan ku timid heshiis dhex maray xisbiyada Waddani iyo UCID.

Dhinaca kale Duqa magaalada Laascaanood waxaa ku guuleystay Cabdirixiim Cali Ismaaciil oo ka tirsan xisbiga Waddani, waxaana ku xigeenkiisa loo doortay Axmed Maxamed Cumar (Kawte) oo isna k atirsan Xsbiga UCID.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON