Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo dib u dhaca weyn ee hareeyay Doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo bishii lixaad la galay kadib heshiiskii Doorashada ee May 2021, iyadoo aan ka dhammeystirin Aqalka Sare, kaliya laba xildhibaan laga doortay Golihii Shacabka.
Beesha caalamka ayaa xoojisay cadaadiska ay ku heyso madaxda maamul Goboleedyada si ay u dedejiyaan doorashada, waxaana loo qabtay inay Doorashada Golaha shacabka kusoo dhammeeyaan ka hor sanadka cusub ee 2022.
Xog ururin aanu sameynay ayaa lagu ogaaday in madaxda Maamul Goboleedyada ay leeyihiin sababta ugu weyn ee daahineysa Doorashooyinka xilligan iyadoo uu marki hore arrintan ku lug lahaa Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Sababaha madaxda maamul Goboleedyada u daahinayaan Doorashada ayaa kala ah:
Dhaqaale: Madaxda Maamul Goboleedyada oo dhaqaale darro weyn kasoo wajahday dowladda Federaalka, isla markaana og in xilliga doorashada uu yahay kan ugu muhiimsan ee ay dhaqaale ku kasban karaan ayaa si ula kac ah uga caga-jiidaya dedejinta doorashada, si ay dhaqaale uga helaan Beesha Caalamka oo shuruudo badan ku xiran yihiin iyo Musharixiinta oo si fudud ay dhaqaale uga sameeyaan.
Olole Doorasho: Arrinta labaad ee Doorashada dib u dhaca ku keentay ayaa ah inay socdaal ololeyaal Doorasho oo lagu kala jiidanayo madaxda Maamul Goboleedyada, qaarkoodna lagu wado inay musharixiin yihiin. Arrintan waxay sabab kale u noqotay inay abuurmaan duruufo keenaya in Doorashada aan ahmiyad la siin, balse lagu sii dheereysto ololaha doorashada si loogu daneeyo musharixiin gaara, loona quusiyo kuwo kale.
Farsamo-xumo: Fulinta Doorashada waxaa u xilsaaran Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta iyo Guddiyada Doorashada oo ay tahay markii ugu horeysay oo ay doorasho qabtaan, waxaana ka muuqata khibrad la’aan iyo farsamo xumo ay wehliso faragelin toos ah oo musharixiinta waaweyn ay ku hayaan shaqooyinkooda.
Arrimahan oo is biirsaday waxay keeneen inaan dan badan laga gelin dedejinta doorashada oo hadda xaaladeedu gaartay inay waqti u qabato beesha caalamka, si toos ahna dalabyo loogu diro madaxda maamul Goboleedyada, iyadoo laga hortegayo in xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya ay lugaha la gasho sanad labaad.

