Thursday, June 26, 2025

XOG: Afhayeenkii Maamulka G/Banaadir oo xilkii laga xayuubiyey & xil kale oo loo magacaabay

Wararka laga helayo xarunta Gobolka Banadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya isku shaandheyn lagu sameeyay agaasimayaasha Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo xilal kala duwan oo la magacaabay, iyadoo la isu bedelay xubnihii hore.

Dadka ay saameysan ku yeelatay isku shaandheynta ayaa waxaa ka mida Afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la sheegay in  xilkii laga xayuubiyay iyadoo loo magacabaay xil kale oo ah Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka tirsan NISA, wuxuuna ku caan baxay inuu si weyn u amaano mas’uulka markaas ku magacaaban guddoomiyaha Gobolka.

Isku shaandheyntan ayaa la sheegay inuu inteeda badan ka dambeeyo guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee maamulka G/Banaadir Xuseen Maxamed oo ah ninka kala wada maamulka Gobolka Banadir ee uu guddoomiyaha ku magacaaban yahay C/raxmaan Yariisow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON