Thursday, June 26, 2025

XOG: Ajendayaashii Shirka Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada oo la isku mari la’ yahay

Iyadoo ay magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabada shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa la isku mari waayay ajendayaasha shirka looga hadlayo.

Shirka oo hal maalin dib loogu dhigay wadahadal dheeraad ah oo arrimaha la isku hayo laga yeesho inta aanu furmin ayaa laba guddi oo xukuumadda iyo golaha Madaxda maamul goboleedyada isku khilaafeen qaabka loo dhigayo arrimaha looga hadlayo shirka iyo xaaladda ka qeybgalka G/Banaadir.

Maamul Goboleedyada ayaa doonaya inuu shirki ahaado mid ku kooban madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha dowlad goboleedyada, arrimaha laga hadlayana ay ka mid noqdaan; Qeybsiga kheyraadka, bixinta dhaqaalaha ay maamullada ka xayirtay dowladda iyo kaalinta dowlad goboleedyada ee go’aannada masiiriga ah ee la qaadanayo.

Dhinaca kale xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhegan inuu maamulka G/Banaadir ka qeybgalo shirka, arrimaha looga hadlaayana ay ka mid noqdaan: Dagaalka lagu qaadayo Alshabaab iyo wadashaqeynta dowladda iyo maamul Goboleedyada.

Taagerayaasha maamulka G/Banaadir ayaa olole ku furay shirka iyagoo wada inaanu shirku qabsoomi karin, iyadoo uu ka maqan yahay maamulka G/banaadir.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON