Tuesday, June 24, 2025

XOG: Alshabab oo Baad ka qaadatay dhismaha Wadada Muqdisho-Afgooye, kadibna joojisay dhismihii Garoonka Muqdisho

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay lacag baad ah ka qaateen dhismaha wadadda isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee lagu dhisayo dhaqaale ay bixineyso dowladda Qatar, waxaana la sheegay iany hanjabaad iyo cabsi gelin ku joojiyeen dhismihii ka socday Garoonka weyn ee Stadio Muqdisho.

Alshabaab ayaa xiriir la sameeyay shirkado dhowr ah oo ku howlan dhismaha wadadda Muqdisho iyo Afgooye iyagoo ka dalbaday inay bixiyaan lacagta ay ka doonayaan qandaraaska dhismaha ee ay qaateen, waxaana waanwaan muddo socotay oo sababtay inuu dhismaha hakado muddo ka badan toddobaad la sheegay in Alshabaab la siiyey lacag lagu qiyaasay 1.5 Mulyan oo doolar.

Dhinaca kale sida laga soo xigtay xubno ka mida shirkadda dhiseysa Garoonka Muqdisho ayaa lagu sheegay inay joojiyeen dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka weyn ee Muqdisho Stadium dib u dhiskiisa uu socday, waxaana Alshabaab dooneysay inay dhaqaale ka hesho Shirkadda dhiseysa, iyadoo markii ay bixin kari weyday lacagaha ay dalbadeen ay joojiyeen shaqadii dayactirka ahayd.

Warkan danbe oo uu baahiyay Telefishinka Universal ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay amar ku bixisay in la joojiyo dhismaha Garoonka Muqdisho,waxaana shaqaalaha Shirkaddaasi loogu hanjabaty inay halis wajihi doonaan haddii ay sii wadaan shaqada Garoonka..

Alshabaab oo hore amarkooda ku fulin jiray dadka Muqdisho ayaa dhinaca kale hadda saameyn ku yeelatay mashariicda dowladda Somalia wado oo halis ugu jira haddii aan lacago baad ah laga siin Alshabaab inay sii socdaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON