Sunday, June 22, 2025

XOG: Amar ay Alshabaab soo saartay oo ka dhaqan galay Muqdisho [Shirkadda Hormuud oo fulisay]

Amar ay soo saartay kooxda Alshabaab ayaa ka dhaqan galay magaalada Muqdisho kadib markii shirkadda Hormuud ay joojisay adeegga farriimaha wararka degdegga ahaa ee Warbaahinta Muqdisho adeegsan jirtay.

Adeegan oo magacyo kala duwan loo yaqaan ayaa farriimaha wararka degdega [SMS News Alert] ah loogu diri jiray dadka iska diiwaan geliya Idaacadaha Muqdisho iyadoo 150 farriin wareed qiimaheedu ahaa $1 doolar, kaasoo muddo sanado ah ka shaqeynayay Muqdisho, kuna xirnaa bankiga Salaam.

Adeegga fariimaha wararka degdega ah ee News Alert ayay gebi ahaan toddobaadkan joojisay shirkadda Hormuud iyadoo dadkii is-diiwaan gelin lahaana aya awoodi waayeen, halka dadkii diiwaan gashanaa aanay helin war farriimo wareed ah.

Ad

Dabagal ay sameysay Goobjooge.com ayaa lagu ogaaday in adeegan ay joojisay shirkadda isgaarsiinta Hormuud kadib markii idaacadaha Alfurqaan iyo Andalus oo ay warbaahinta taageerta Alshabaab ay dalbadeen in adeegan loo furo, taasoo shirkadda Hormuud ay ka caga-jiiday, kadibna xaaladu ku qasabtay inay adeeggan oo dhan hawada ka saarto.

Shirkad ay leedahay Hormuud oo addeegan saami ku leh laguna magacaabo Tabaarak ayaa iyaduna laga soo xigtay in Hormuud ay joojisay adeeggan iyadoo aan faahfaahin laga bixin, laakiin waxaa macaamiisha loo sheegay inay ciladi jirto.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa hore joojiyay adeegii lacaga Mobile-da la isugu diro ee ZAAD, iyadoo adeegga kale ee Shirkadda hormuud ay furatay ku gooyay qiime kooban oo dhan $150, intii aan markii dambe loo bedelin $300.

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON